Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah ugu eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya inuu xiisad siyaasadeed dalka ka abuuray markii isaga iyo baarlamaanka ay rideen xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ku- xigeenka ergeyga Mareykanka ee Q/Midooay Cherith Norman Chalet oo khudbad ka jeedisay shirkii Golaha Amniga Q/Midoobay ee xaaladda Soomaaliya ayey si cad ugu sheegtay in ay nasiib-daro ahayd, isla markaana ay abuurtay xiisad siyaasadeed tallaabadii Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha shacabka ku rideen xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
“Nasiib-darro Madaxweynaha iyo Golaha hoose ee Baarlamaanka waxay kalsoonida kala noqdeen xukuumadii hore bishii July, taasoo kaliya dhalisay xiisad siyaasadeed.. Waxaan ka walaacsanahay inay tallaabadaasi maja-xaabineyso wadahadalkii u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada..” ayey khudbadeeda ku tiri Cherith Norman oo mowqifka dowladda Mareykanka halkaasi ka caddeysay.
Waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay doorasho, waqtigeeda ku dhacda, suuragal ahna, nabad ku dhacda oo lagu qanacsan yahay, tallaabo kasta oo dib loogu dhigo doorashada ama la daahiyana ay keeni karto halis.
WARBIXINTA OO QORAAL AH HALKAN KA AKHRISO
HOOS KA DAAWO