Thursday, July 3, 2025

Safaaradda Mareykanka oo War yaab leh kasoo saartay Shirka Dhuusamareb 3. (Qas-wadayaasha oo la tilmaamay…)

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War yaab leh kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb 3, iyadoo qas-wadayaal ku tilmaantay kuwa ka maqan shirka ee damacooda gaarka ah u waxyeelaya dimoqraadiyadda.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in loo dhammaado oo miiska Dhuusamareeb 3 la keeno dhammaan fikradaha, laakiin aysan waxba ka qaba karin karno kuwa shirka ka maqan..” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Waxaa kaloo safaaradda Mareyanka ay qoraalkeeda ku sheegtay in Qas-wadayaasha ay diidan yihiin ka qeybgalka shirka iyagoo damacooda gaarka ah dartiis u waxyeelaya dimoqraadiyadda; waxayna dhinacyada Soomaalida ugu baaqay inay hore ugu socdaan hab Doorasho oo waqtigeeda ku dhacda.

Tallaabada Mareykanka qaaday ayaa ah tii ugu horeysay ee farta ku fiiqeysa Qas-wadayaasha Soomaalida oo hadda lagu calaameeyay madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, inkastoo aan la magacaabin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON