Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa tababar u soo xirtay qeyb kale oo ka mida Ciidamada sida gaarka ah u tababar ee kumaandooska Danab.
Tababarka ayaa la siiyey ciidamada gaarka ah ee loo tababaray dolwadda Soomaaliya, waxaana xaflad lagu soo xiray ay ka dhacday magaakada Muqdisho, iyadoo loo tabbarray fulinta howlgallada qorsheysan.
Askarta tababarka soo dhameysatay ayaa gaareysa 31 askari oo ka tirsan ciidamada kumaandooska Soomaalida ee Danab, waxaana loo dhameystiray saanad ciidan ee askarigu u baahan yahay iyo gaadiid ay ku hawlgalaan.
Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxasye ciidamadan tababarka ku qaateen Xerada Xalane ee Muqdisho.