Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM ayaa war kasoo baxay ku beeniyay Askari Mareykan ah oo shalay Al-shabaab ay sheegteen in lagu dilay weerr ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay inaysan jirin warka kasoo yeeray dagaalamayaasha Al-shabaab ee ah inay Askari kaga dileen duleedka magaalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo ay bed qabaan dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan.
Al-shabaab ayaa shalay baahisay in weerar ay ku qaadeen Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada AMISOM, kuwa Mareykan ah ay ku dileen Askari Mareykan ah iyo afar askari oo ka tirsan kuwa AMISOM.