Waaxda Arrimah adibada Mareykanka ayaa soo saartay Warbixin sanadeedka Xaaladda Soomaaliya oo sanad kasta lagu qiimeeyo xaaladaa dalalka dibadda, sida xuquuqda adanaha, Xoriyaddaha kala duwan, xaaladda musuqa iyo horumarka siyaasadda.
Warbixin sanadeedka 2020 ee Arrimaha xuquuqul insaanka ay soo saartay dowladda Mareykanka Waxaa lagu sheegay in xaaladda xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed ay sii xumaatay sannadkii tagay ee 2020.
Warbixinta o aad u dheer waxay soo qaadatay tacadiyo waaweyn oo ay ugu horreeyaan:-
– In muwaadinka loo diiday inuu sifo sharci ah uu Doorasho xor iyo xalaal ah ku doorto madaxdiisa, kuna beddelo madaxda dowladda.
– Cabburin baahsan oo xagga siyaasadda ah iyo dagaal ka dhan fikirka xorta ah oo dowladu ku dhaqaaqday- siiba saxaafadda oo NISA ay ku lug leeyatay xariga weriye ay bilo iska heystay oo markii danbe denbi lagu waayey.
Musuqmaasuq baahsan oo naafeeyay hey’adaha dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu xusay dhowr mas’uul oo maxkamad loo soo taagay.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAN