Tuesday, July 15, 2025

Mareykanka oo yeeshay Xoghaye Arrimo dibadeed cusub oo xag-jir ah

Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda ayaa meelmariyay ninka uu Madaxweyne Trump u soo xushay inuu noqdo Xoghayihiisa Cusub ee Arrimaha Dibadda Mareykanka oo hore u ahaa Agaasimaha hay’adda CIA-da, Mike Pompeo.

Codbixinta ayaa u muuqatay inay dhinac u ridday go’aanka uu Mr Pompeo ku taageeray Senator-ka Jamhuuriga ee Rand Paul, walow ninkaasi uu horay uga soo horjeestay magacaabista ninkaasi.

Mar uu ka hadlayay Aqalka Senate-ka ka hor inta aanan ninkaasi loo codeyn ayuu Mr Paul waxa uu sheegay inuu go’aansaday inuu ra’yigiisa wax ka badelo sababo uu ku sheegay inuu helay ballanqaad ah in Mr Pompeo haatan uu rumaysan yahay in hadalkii uu ka sheegay dagaalkii Ciraaq uu ahaa mid khalad ah.

Go’aanka uu guddiga ku ansixiyay Pompeo ayaa wajigabax ka badbaadiyay maamulka madaxweyne Trump.

Magacaabista Pompeo ayaa la filayaa in horraanta todobaadka dambe ay si buuxda u ansixiyaan xubnaha Aqalka Senate-ka, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Rex Tillerson oo xilka laga qaaday bishii hore.

Ninkan ayaa ka mida xag-jiriinta xisbiga Jamhuuriga oo aamisan dagaalka isagoo qaba in dagaal lagu qaado dalka Iiraan, halka uu wadahadal la furay Kuuriyada Waqooyi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON