Taliska Ciidamada Marrykanka ee AFRICOM iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa War-saxaafadeedyo kasoo saaray duqeyn cusub oo maanta ka dhacday degaanka Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose.
Duqeyntan ayaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab, iyadoo aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah. Labada war-saxaafadeed ayaa duqeynta ka sokow waxaa ku qoran mowqifyada labada dhinac ee dagaalka Alshabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadooda Mareykanka ayaa galab duqeyn ka fuliyeeny aagga degaanka Janaale ee gobolka shabellada Hoose , iyadoo lagu khaarijiyay afar (4)ka tirsan maleyshiyada Argagixisada.
AKHRISO QORAALLADA
