Wednesday, July 2, 2025

“Mareykanka waxay 70% sii burburiyeen Qalabkii Garoonka Diyaaradaha Kaabul markii ay ka baxayeen”

Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu si ulakac ah u burburiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul iyo Qalabkii uu ku howlgeli jiray markii ay ka baxayeen dalkaai ee 30-ka Ogost 2021.

Madaxa cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Afganistan Mawlawi Rahmatullah Kalzar, ayaa sheegay in askarta Maraykanka ee ka baxayey Afghanistan ay burburiyeen 70% qalabkii Madaarka Caalamiga ah ee Hamid Karzai ee magaalada Kaabul.

Wuxuu intaasi ku daray in gebi ahaanba ay Mareykanku burburiyeen Qalakii Raadaarka iyo Xarunta laga hago Diyaaradaha, kaasoo ay dib u dayac tireen kooxda farsamada ee ka socotay dalka Qatar, waxaa sidoo kale la ciladeeyey oo diyaaradii ay lahayd Hay’adda Duulista Afghanistan, burburka gaaray Garoonka diyaaradaha Kaabul lagu qiyaasay 25 illaa 30 milyan oo doollar.

Shirkadda Diyaaradaha Dalka Afghanistan ee ARIANA ay hadda leh4 diyaaradood oo kaliya, kuwaasoo shaqeyn kara muddo laba sano ah. Shirkadda ay degdeg ugu baahan diyaarado si ay ugu howlgasho.

Ciidamada Mareykanka ayaa kharibay 70%, shaqadii garoonka Magaalada Kaabul iyo Qalabkii uu ku shaqeyn lahaa, waxaana burburka garoonka qeyb ka qaaday kumanaan dad ah oo ku xoomay, kuwaasoo waxyeelo gaarsiiyay hoolalka laga dhoofo iyo kuwa laga soo dego.

Duulimaadyada gudaha ayaa ka bilowday Garoonka Kaabul shalay, markii uu hakad ku jiray muddo toddobaad ah, waxaana dadaal loogu jiraa inay dib u bilowdaan duulimaadyadii Dibadda iyo kuwii samafalka oo waqti qaadan doona.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa gacan ka geysanaya dib u habeynta Garoonka Kaabul, iyadoo farsamayaqaano ka socda dalka Qatar ay wadaan howsha dib u dayactirka Garoonka.

The Taliban are in full control of Kabul's international airport after the last US plane left its runway, marking the end of America's longest war. [Kathy Gannon/AP Photo]
Since becoming the de-facto government on August 15, 2021, the Taliban now have access to billions of dollars in foreign-funded military equipment, including military planes and helicopters that belonged to foreign forces and the former government  [Mohammad Aref Karimi/Al Jazeera]
Until two weeks ago, planes belonging to the Afghan Air Force used to hunt down the Taliban, now they are under their control as the group takes over the Hamid Karzai International Airport in Kabul [Mohammad Aref Karimi/Al Jazeera]
Taliban fighters stand guard inside the Hamid Karzai International Airport after the US withdrawal. [Kathy Gannon/AP Photo]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON