Tuesday, October 4, 2022

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo heshiis ka gaaray khilaafkii dheeraa ee Doorashada (Akhriso 4 Qodob)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo ku saabsan Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Heshiiska ayaa maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho, iyadoo uu goobjooge ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, waxaana ugu muhiimsan inay isla meel dhigeen awood qeybsiga hoggaanka Guddiga Doorashada ee Somaliland.

Ad

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Tart 05/09/2021

HESHIIS

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilahi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) markii ay tixgeliyeen wadajirka dadka midnimo doonka ah ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) iyo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu jirta in ay doorasho qabsconto. Waxa ay ku heshilyeen:

- Advertisement -

1. In la soo afjaro khilaafkii labada dhinac u dhexeeyey ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

2. In la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Somaliland (GMDHSL), iyadoo Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdilahi ay qaadanayaan Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga iyo Madaxa Amniga iyo Logistikada.

3. In la soo afjaro is-kooxysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan la’aan.

4. In sida ugu dhakhso badan loo gudogalo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland)

- Advertisement -

Heshiiskan waxa lagu gaaray Muqdisho 05/09/2021, waxaana saxiixay: Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi Gudoomiyaha Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON