Wednesday, June 25, 2025

Markab Saanad Milateri u sida ciidamada Somalia iyo AMISOM oo ku xirtay Dekadda Baraawe [Sawirro]

Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dekada Magaalada Baraawe oo aan shaqeyn  uu ku xirtay Markab Siday Saanad Ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Markabkan ayaa waxaa intii aanu soo xiran goobta sii tegay ciidamada AMISOM iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali adan (Najax), wuxuuna Guddoomiye Najax sheegay in imaanshaha markabka ay ahayd horumar laga sameeyay xaaladda ammaanka Baraawe.

Faahfaahin lagama bixin saanada markabka sida halka ay ka timid iyo nooceeda, waxaase lagu soo koobay inay tahay saanad milateri oo u socota AMISOM iyo ciidamada dowladda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON