Monday, July 7, 2025

Mashaariicda Dowlada Qatar ka fulineyso Soomaaliya oo lagu dhawaaqay xilliga la bilaabanayo [Akhriso]

Dowladda Qatar ayaa mashaariicdii ugu horeysay ee horumarineed ka bilaabeysa Soomaaliya xilli uu aad u xumaaday xiriirka dalka ay loolamaan ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Labada mashruuc ee ugu waaweyn oo ah kuwii ugu horeeyay ee dal carbeed heshiis kula galo dowladda Soomaaliya ayaa la saxiixay bishii Novembar ee sanadkii 2017, waxayna dowladda Qatar oo sanduuqeeda horumarinta u marineysa dib u dhisayaan labada wado ee ka baxda Muqdisho oo taga Afgooye iyo Jowhar oo marka la isku daro noqonaya 120 KM.

Mashaariicdan waxaa ku baxaya lacag dhan 200 Milyan oo doolar, waxaana bixinaya sanduuqa horumarinta dalka Qatar, iyadoo ay dhowaan bilaaban doonaan  labadaasi mashruuc.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ku dhawaaqay in mashaarciida dowladda Qatar ka fulineyso dalka ay si rasmi ah u bilaaban doonaan Bisha Mey ee foodda nagu soo heysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON