Monday, July 14, 2025

Mashaariicda dowladda Qatar ka fulineyso Soomaaliya oo la shaaciyay Xilliga la bilaabayo

Wasiirka Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan  ayaa shaaciyay xilliga ay bilaaban doonaan mashaariicda dowladda Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay  in maalmaha soo socda la bilaabayo fulinta wejiga Koowaad ee Mashriicda Hormarineed ee Dowlada Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya, iyadoo mashaariicdaasa ay isugu jiraan dhisme wadooyin, xarumo dowladeed iyo waxbarasho ayna ku baxeys lacag dhan 200 milyan oo doolar.

Wasiir Jamaal ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka iyo dowlada, wuxuuna sheegay inay walaal dhab ah.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo la hadlay Warbaahinta Qatar ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska qaar ka mid ah Xarumaha dowlada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowlada.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Magaalada Muqdisho waxay ku kala saxiixdeen 28- bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON