Thursday, June 26, 2025

Mas’uul 33 sano Safiir ahaa oo shaqada uga tegay siyaasadda Qalafsan Madaxweyne Trump

Safiir ka tirsan danjireyaasha Mareykanka u fadhiyey dalalka dibadda ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada uga tegayo isagoo diidan siyaasadda qalafsan ee madaxweyne Trump kula dhaqmayo dalalka Yurub ee ay saaxiibada yihiin Mareykanka.

Danjirihii  Maraykanka u fadhiyey dalka Estonia Mr. James D. Melville ayaa shaaciyay inuu xilka isaga tegayo, taasina ay ugu wacan tahay siyaasadaha Trump ee uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midowga Yurub, wuxuuna intaas ku daray inuusan ka hoos shaqeyn karin Donald Trump, isagoo howlgab ka geli doona shaqadii diblomaasiyadeed.

Safiirkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee ka hor yimaada siyaasadda madaxweyne Trum. waxaana sidoo kale hore u sheegay  inaysan la shaqayn karin Trump, safiirkii Mareykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka oo shaqada isaga tegay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire Jim uu xilka ka dagayo 33 sano kadib oo uu xilka hayay, isla markaana dalal dhowr ah safiir kasoo noqday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON