Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah oo Bistoolado ku hubeysan ay saakay toogasho ku dileen Guddoomiye Laameed ka tirsan Maamulka Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.
Kooxda falka dilka ah fulisaay ayaa la sheegay inay wateen Mooto , iyagoo markii ay dilka geysteen kadib ku baxsaday mootadii, waxaana markaa kadib goobta gaaray ciidamada ammaanka baritaan ka smaeeyay, balse aan ku guuleysan inay cid u soo qabtaan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamo badan ay yimaadeen xaafadah Degmada Waabari oo ay xireen qeybo kamida in muddo ahna ay halkaasi baaritaa ka wadeen.