Monday, July 14, 2025

Mas’uul ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa nooca lagu xiro Gaadiidka ee lagu beegsado shaqsiyaadka.

Qaraxan ayaa qabsaday Gaari uu watay mas’uul ka tirsan Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida xilli uu ku sugnaa kontroolka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya ee dhinaca Sayidka.

Qaraxa waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray Musharaf Mohamed Mo’allim oo ka mida saraakiisha Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada dowladda.

Xaaladda sarkaalkan ayaa la sheegay inay tahay mid culus, waxaana loola cararray isbitaal si xaaladiisa loola tacaalo.

Alshabaab ayaa sii kordhisay falalka beegsiga ah ee Khaarijinta Dad gaara, iyadoo ay muddooyinkii danbe sii yaraanayeen Qaraxyada gaadiidka lagu xiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON