Saturday, June 28, 2025

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somalia oo Qarax lagu dilay Muqdisho & Dad loo qabtay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay mas’uul ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Fu’aad Jaamac Salaad (Fu’aad Geelle) ayuu Qaraxan oo haleelay Gaarigiisa xili saaka uu marayey agagaarka Taallada Dajirka Dahsoon, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, isagoo Gaariga ku waday dad ah ehel yihiin oo u dhoofi lahaa magaalada Hargeysa.

Maamulka Degmada Boondheere ayaa shaaciyay in dhowr qof loo xiray qaraxa lagu khaarijiyey mas’uulka ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyadoo uu ku jiro nin ilaalo ka ahaa Garaashka Gaariga qarxay lagu xareyan jiray.

Dhinaca kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay falka lagu dilay Fu’aad Geelle, waxayna tacsi u dirtay dadkii uu ka baxay iyadoo dalbatay in cadaallada la hor keeno dadkii ka danbeeyay falkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON