Thursday, June 26, 2025

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga oo ku dhintay [Odayaal iyo Xildhibaan dhaawacmay]

Iyadoo soo baxayaan faahfaahin ku saabsan qasaaraha qarixii ugu weynee ee Muqdisho ka dhaca ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya.

Dadkii Qaraxii ku dhintay waxaa ka mida  Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga  Abuukar Maxamed Daahiye oo la sheegeen in xilliga uu Qaraxu dhacayay uu marayay Wadadda, waxaa kaloo dhaawacanay xaaskiisa.

Dhinaca kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaarey qaraxa, inkastoo aanu ahayn dhaawac culus, isagoo aan ku soo hadal qaadin farriin uu soo diray.

Dhaqtar magaciisa lagu sheegay Xiirey oo ku dhintay Gudaha hotelka Safari, wararka qaar ayaa dhimashada gaarsiinaya in ka badan 30 qof, waxaana weli socda gurmadka iyo gargaarka degdegga ah.

Oday dhaqameed lagu magcaabo nabadoon Baashi Nuur ayaa isna la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Hotelka Safari, waxaana sii kordhaya dadka ku dhintay qaraxa, iyadoo weli dad lagu la’ yahay burburta dhismooyinka.

Waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay Axmed Diiriye oo ka mida odayaasha Muqdisho, kaasoo Daanta uu firir ka galay, isagoo ka mid ahaa odayaal Hotelka Safari ku sugnaa xilligaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON