Weerar koox hubeysan ku qaaday mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya inuu weerarkan ka dhacay degmada Wardhiigley, iyadoo koox hubeysan la socotay gaari wareer ku qaadeen gaari kale oo ay wateen xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Rasaas lagu fura gaariga la weeraray ayaa keenay in halkaasi lagu dilo Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere, iyadoo lagu dhaawacay laba kale.
Dableyda weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo markaas kadib ay halkaasi tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.
Goobjooge.com