Saturday, July 5, 2025

Mas’uul ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysatay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, iyadoo koox bistoolad ku hubeysan oo watay Mooto ay toogasho ku dileenmas’uu ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta oo ka mid ahaa ku-xigeenada xeer ilaaliyaha Qaranka, kadibna ay goobtaasi ka baxsadeen.

Kuxigeenkii xeer ilaaliyaha Maxamed Mursal ayaa xilliga la dilay wuxuu wartay gaari yar oo nooca raaxada ah, isagoo u geeriyooday rasaastii lagu furay. Waxaana gaarigiisii kaxeystay kooxdii dilka u geysatay, iyadoo markii danbe ay ciidamada amniga gaarigaasi soo heleen.

Falka kadib waxaa goobta gaaray ciidamada Amniga oo baaritaan ka sameeyay halkaasi, kana qaaday meydkii qofka la dilay, iyadoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo dadkii dilka geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON