Monday, June 23, 2025

Mas’uul ka tirsanaa degmada Wanlaweyn oo lagu dilay Qarax lagu weerarray Gurigiisa

Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn yaa sheegaya inuu qarax caawa ka dhacay degmada, kaasoo lagu weerarray Guriga mas’uul ka tirsan maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa Bamkaayaa waxaa ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda degmada Wanllaweyn Maxamed Cabdullahi Koosto, waxaana la sheegay inuu weerarka ku bilowday rasaas, kadibna uu dhac qaraxa, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray mas’uulka dhintay aabihiis iyo xaaskiisa.

Ma jiro wax war oo kasoo baxay Maamulka degmada iyo Gobalka Shabeelaha Hoose ooku saabsan Qaraxa ka dhacay degmada Wanlaweyn ee mas’uulka sare lagu dilay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON