Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay magaalada Laascaanood xalay ku dileen Mas’uul ka tirsanaa Guddiga doorashooyinka Somaliland.
Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxayna toogasho ku dileen Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool Cabdullaahi Laba-go’le oo lagu weerarray bartamaha magaalada Laascaanood.
Dilka ayaa dhacay sida la sheegay xilli uu Guddoomiyihii guddida doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool uu ka yimid Pharmacy dawooyinka lagu iibiyo oo uu ku lahaa Magaalada Laascaanood, waxaana ooda looga qaaday rasaas.
Lama oga weli sababta dilkiisa iyo cidda ka danbeysay, waxaana socda baaritaan ay wadaan ciidamada Amniga oo lagu raadinayo dadkii falkan geystay.
