Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay fal dil ah maanta ka fulisay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.
Koox hubeysan qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha toogasho u dishay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Degmada howlgalwadaag ee Gobolkan Banaadir, iyagoo goobta ka baxsaday kadib markii ay rasaas badan ku fureen marxuumka oo goobta ku geeriyooday.
Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Sheekhaall) oo ahaa Guddoomiyihii Laanta Xaawa-taako ee degmada Howl-Wadaag, ayaa toogasho lagu dilay, gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale falkan ku dhintay qof la sheegay inuu la socday guddoomiye Waaxeedka; iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada amniga
Dilka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya iyadoo ciidamo fara badan xalay la geeyay Suuqaasi, waxaana inta badan falalka dilka ah ee suuqa ka dhaca sheegta kooxaha Alshabab iyo Daacish.