Thursday, June 26, 2025

Mas’uul ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Banaadir oo loo xiray Musuqmaasuq lagu soo eedeeyay

Waxaa maanbta xabsi loo taxaabay mas’uul ka tirsan maxkamadda G/banaadir, kadib markii ay amarkaasi bixisay Maxkamadda uu ka tirsanaa.

Ciidamada Booliska  ayaa xabsiga u dhaadhiciyey Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaasoo lagu eedeeyey qaadasho laaluush. Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaana lagu xiray Cabdulqaadir C/llaahi Xasan Shaango, iyadoo la sheegay inay ku socoto baarista qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay  inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaasoo marka baaristoodu soo dhammaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON