Xoghayihii hore ee joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somalia C/salaam Salwe ayaa soo jeediyey in saraakiisha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta laga baaro xiriirka ay la leeyihiin Alshabaab.
Baaritaanka ayuu sheegay in loo adeegsado aaladda Beenta kashifta ee loo yaqaan ‘Polygraph’, taasoo soo saarta inuu qofku been sheegayo iyo kale marka lagu xiro oo baaritaan la marsiiyo dadka kiisaska looga shakisan yahay, iyadoo taageero la weydiisanayo dalalka reer Galbeedka ah.
Mudane Salwe ayaa farriinta uu soo dhigay baraha bulshadda wuxuu ku yiri: “Dowladda Soomaaliya haddii ay dhab ka tahay shakiga in argagixisadu ku dhex jirto xafiisyada dowladda ha waydiisato Maraykanka ama saaxiibada kale ee Galbeedka in laga caawiyo sidii polygraph test (kashifaadda beenta) loo marsiin lahaa dhammaan saraakiisha amniga…”.

Fekerkan ayaa waxaa taageeray dad badan oo ku dooday in aalladaasi lagu ogaan karo saraakiisha amniga ee laga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin ama la shaqeeyaan Alshabaab, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo uu shaki weyn dhaliyay qaraxii 24-ka July 2019 ka dhacay xarunta Gobolka banaadir oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 oo uu ka mid yahay guddoomiyihii Gobolka C/raxmaan Cumar Cismaan.
