Wafdi uu soo diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka magaalada Kismaayo, iyagoo jebiyay xayiraadda dowladda Somaaliya saartay Duulimaadyada ka imaanaya dalka Kenya.
Xubnaha wafdiga ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka dhacaya magaaladaasi. Waxaa wafdigan oo uu hoggaaminayo Aadan Barre Ducaale guddoomiyaha aqbaliyadda Baarlamaanka Kenya kusoo dhoweeyay magaalada magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha maamulkiisa waxaana la socda xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Waqooyi Bari Kenya, sida Yuusuf Xaaji oo hore u soo noqday wasiirkii hore ee difaaca dowladda Kenya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xayiraad cusub shalay ku soo rogtay diyaaradaha ka imaanaya dalka Kenya ee tegaya magaalada Kismaayo, laguna amray inay maraan magaalada Muqdisho.
Wafdiga ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb galaya caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa so shaac bixinaya faragelinta ay dowladda Kenya ku heyso arrimaha Soomaaliya, iyadoo taageeraysa mid ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn, iyo xadgudubka tooska ah oo markii labaad ay ku sameeyaan hawada Somalia.