Monday, June 23, 2025

Mas’uuliyiin iyo Saraakiil u dhowaa Madaxweynihii Suudaan oo la xiray. [Akhriso Magacyada]

Ciidamada dalka Suudaan ayaa xir- xiray mas’uuliyiin iyo saraakiil aad ugu dhowaa madaxweynaha Suudaan ee la sheegay inuu xilka ka degay Cumar Xasan Albashiir.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ay ciidamada Suudaan xireen waxaa ka mida: Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Maxmaed Daha, Guddoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Haaruun, Wasiirkii hore ee gaashaandhigga C/raxiim Maxamed Xuseen, Duqii magaalada Khartoum iyo xubno kale.

Madaxweyne Albashiir ayaa isugu xabsi guri la geliyay, wuxuuna Guri ku leeyahay dhismaha weyn ee Taliska ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada ay u sheegeen in xilkii ay ka qaadeen, iyadoo Inqilaab milateri dalkaasi ka socdo.

Ad

Ciidamada Suudaan oo saaka la wareegay xarumaha dowladda iyo talada dalka Suudaan ayaa weli sugayaa in ka badan 5 saacadood inay shaaciyeen go’aanka muhiimka ah ee isbedelka ku dhacay hoggaanka dalkaasi, iyadoo ay socdaan wada-tashiyo ku saabsan dhismaha dowlada KMG ah oo doorashooyin u diyaarin doonta dalkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON