Monday, June 23, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia oo lagu xayiray Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mas,uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ay Caawa ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee caasimada dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan mas’uuliyiinta ku xayiran garoonka waxa ka mida Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim iyo Senetoorada kala ah: Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali oo ka tirsan Aqalka Sare, kadib markii dowladda Keny ay ku soo rogtay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inaan Fiso lagu siin imaanshaha sidii hore u dhici jirtay.

Saraakiisha Waaxda Socdaalka dowladda Kenya ayaa diiday inay Visa ugu dhuftaan baasabooradooda, sidii markii hore dhici jirtay, waxaana lagu amray inaysan ka bixi karin Garoonka ilaa aroornimada Berri oo Talaado ah ooy dib loogu celinayo magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen.

Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa helay Visa markii ay adeegsadeen Baasabooradooda ajnabiga ah oo ay wateen, waxaana ku haray garoonka qaar ka mida mas’uuliyiinta aan wadan baasaboorada ajnabiga ama aan lahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON