Sunday, July 13, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo mar kale Maxkamad lasoo taagay

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay dhageysiga Dacwadda loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyaddaha oo loo heysto musuqmaasuq.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo furay dacwada oo fadhiga maanta ku saabsan soo bandhigida dhageysiga cadeeyma xafiiska Xeer ilaalinta ee ka dhanka ah edeeysanayaasha katirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Mas’uuliyiinta maxkamadda la hor geeyay waxay kala yihiin: Cabdullaahi Maxamed Cosoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdi nuur iyo Aadan Maxamed Cabdi, kuwaas oo dhamaan ku Eedaysan xatooyo xoola dad weyne.

Waxaa fadhiga su’aalo lagu weydiinayaa Baaraha xafiiska Hanti-dhowrka oo Xeer Ilaalintu ku bilowday, kadibna ay su’aalo adag weydiiyeen Qareenada u doodaya eedeysanayaasha, waxaana la is weydaarsaday dood adag oo ka dhalatay warbixinta Hanti-dhowraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON