Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya Qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe kaasoo lalabeegsaday Gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo Gobolka Sh/Dhexe
Mas’uuliyiintan ayaa ku sii jeeday magaalada Jowhar., waxaana qaraxa Miinada uu ku qabsaday gagaarka deegaanka Gololey, waxaana Wararku sheegayaan inuu qaraxaasi ku dhintay Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabo Xasan Baldoos oo la sheegay inuu shaqaale ka ahaa hay’ad samafal.
Alshabab ayaa sheegtay qaraxa Miinada ee mas’uuliyiintaasi lagu dilay, waxaana in muddo ah xirmay isu socodka Jidka u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Alshabaab ay howlgallo ka fuliyaan, horena loogu laayey ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.