Monday, July 14, 2025

Mas’uuliyiin ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho & Alshabaab oo sheegtay [Sawirro]

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Amniga Maxamed Cabdullaahi Tuulax uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa iyadoo ilaaladiisa qasaare xoog leh oo u badan dhimasho la kulmeen.

Dhinaca kale waxaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo qarixii hore ka dhacay lagu arkay meydad u badan ciidamada amniga.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in dad lagu la’ yahay qarixii hore ee ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho Camaliyaad Istish-haadi ah ayaa lagu beegsaday Koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada kooxda Ridada, waxaana lagu dilay Saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 

Image may contain: shoes and outdoor

Image may contain: outdoor

Image may contain: one or more people, tree, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON