Wednesday, June 25, 2025

Mas’uuliyiin ku xayiran Hotelka Naasa-hablood 2 & Dabley ka tirsan Alshabaab ka dhex dagaalamaya

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mas’uuliyiin iyo dad ku xayiran yihiin hotelka Naasahablood 2 oo galabta qarax lala beegsaday.

Rasaas ayaa weli ka dhaceysa iyadoo gudaha hotelka ay ku jiraan dabley Alshabaab ka tirsan, waxaana rasaas is-weydaarsanaya ciidamada ammaanka iyo dableyda Alshabaab iyadoo aan dhowaan karin Hotelka.

Dadka ku xayiran hotelka waxaa ka mida Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo Qurbejoog hotelka deganaa iyo qaar kale oo hotelka caadiyan ku shaahi jiray.

Mar kasta waxaa la maqlayaa Bambooyin ay soo ridayaan maleeshiyada Alshabaab ee ka dhex dagaalameysa Hotelka Naasahablood 2, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ay iminka gudaha u galeen hotelka oo dagaal kula jiraan dableyda Alshabaab.

Tirada dhimashda oo lagu sheegay in ka badan toban iyo dhaawac ka badan 25 ayaa laga cabsi qabaa inay sare u kacdo iyadoo dadka ku dhex jira hotelka ay halis ugu jiraan in la laayo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON