Monday, June 23, 2025

Mas’uuliyiintii K/Galbeed & Hirshabelle ee ku dhintay Qarixii Alshabaab oo maanta lagu aasay Muqdisho [Sawirro]

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay laba Xildhibaan oo ka kala tirsan Maamullada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo shalay ku dhintay Qarax ka dhacay jidka u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye.

Aaska labada mas’uul iyo laba qof oo kale oo kala ahaa ilaalo iyo darawal ayaa lagu aasay Qabuuraha isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho, waxaana xildhibaanka K/Galbeed uu ahaa sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga ee Koofur Galbeed.

Aaska waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay xubnahaasi ka kala tirsanaa Maamullada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON