Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka socda xaflad lagu soo xirayo shirkii Wadatashiga madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.
Xafladan oo ay ku wada sugan yihiin dhammaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleeyada, waxaa saacado socda heeso jaceyl u badan oo lagu madaadaalinayo madaxda.
Waxaa la filayaa inay hadallo ka jeediyaan madaxda kala duwan ee xafladda ku sugan, iyadoo kaliya uu madaxda dowlad Gobleedyada u hadlayo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadibna uu khudbad kusoo xiri oono Madaxweyne Farmaajo.

HOOS KA DAAWO (Toos)