Thursday, June 26, 2025

Maxaa Caawa ka socda Magaalada Kismaayo..? [Dib u eegista Dastuurka oo Miiska u saaran – Sawirro]

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo oo shir uga socdo madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa sheegaya in caawa ay halkaasi ka socdaan shirar gaara oo ay leeyihiin madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Shirarka caawa ayaa ku saabsan Arrimaha Dastuurka KMG ah iyo dib u eegista lagu sameynayo, waxaana madaxda maamul Goboleedyada warbixin ka siiyey halka uu marayo dib u eegista Dastuurka oo shanta madaxweyne lagu wargeliyey in wakiiladii maamul goboleedyada aanay wax talo ah ku lahayn howsha socota ee dib u eegista dastuurka.

Arrimaha Dib eegista Dastuurka ayaa ka mida arrimaha ugu waaweyn ee ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada oo doonaya inay talada ugu dambeysa iyagu lahaadaan, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedkooda lagu soo daro go’aano adag oo arrintan ay ka qaadanayaan iyo heshiisyo hore oo waxba laga qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON