Wednesday, June 25, 2025

Maxaa Caawa ka socda Muqdisho..? (Dhammaanshaha xiligii Farmaajo iyo Dhaqdhaqaaqa Musharixiinta)

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa caawa galeysa xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyasaadeed oo xoog leh.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay soo saaraan go’aano cusub oo ku aadan dhammaanshaha muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo ku eg saqda dhexe ee caawa, halka ay dhinaca kala duwan oo beesha Caalamka qeyb ka tahay.

Dhaqdhaqaaqa ugu weyn waxaa magaalada Muqdisho xilligan ka wada Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mida Musharxiinta xu taagan xilka madaxweynaha, waxayna isaga gooshayaan dhinacyada magaalada iyagoo kulamo kala gaara la leh guddoonka Golaha Shacabka iyo madax kala duwan.

Waxaa hadda shir ku leh Muqdisho Musharixiinta xilka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, kaasoo looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii go’aan looga qaadan lahaa dhammaanshaha xilligii sharciga ahaa ee Madaxweynaha.

Waxaa taagan dood ku saabsan waxa loogu yeerayo iyo awoodda u yeelanayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo musharixiinta iyo qeyb ka mida Madaxda maamul Goboledyada ay caddeeyeen inaysan u aqoonsanayn Madaxweyne oo uu noqonayo shaqsi caadi ah.

Markii saacadda Muqdisho ay dhaaftay Saqda Dhexe waxaa qeybo ka mda magaalada laga maqlay rasaas hawada loo dirayo oo la sheegay in loogu dabaal degayo muddo xileedka ka dhammaaday Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa isku dayeysa inay xaalada dejiso, iyadoo wada baabulka shir ka dhacaya Muqdisho oo dhinacyada oo dhan ka qeyb galayaan, waxayna ka digtay qalalaase laga abuuro dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON