Monday, July 14, 2025

Maxaa iska bedelay C/llaahi Goodax Barre.? “Waan la shaqeyneynaa Maamulka Hirshabeelle…” -DHAGEYSO

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle iyo madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga horjeeday maamulkaasi ayaa shalay tegay magaalada Beledweyne isagoo ka mid ahaa wafdiga madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Wuxuu ku baaqay in wixii hore u dhacay meel la iska dhigo, lagana qeyb qaato golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ee la dhisi doono, isagoo sheegay inay heystaan xukuumad uu hogaamiyo Cali C/llaahi Saalax, fursad fiicanna ay heystaan.

Isbedelka ku yimid C/llaahi Goodax ayaa la sheegay inuu salka ku hayo taageero uu ka helay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ku taageeray inuu noqdo xildhibaan lagu doortay magaalada Jowhar, iyadoo wararka qaar sheegayaan inay iska baheysanayaan sidii Xasan Sheekh looga hor istaagi lahaa inuu dib u soo laabto.

DHAGEYSO C/llaahi Goodax Barre

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON