Friday, June 27, 2025

Maxaa ka cusub Cadaado: Xildhibaano qaadacay wadahadal & musharixiin isu sharxaya xilka C/kariin Guuleed

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xildhibaanada xilka ka qaaday madaxweyne C/kariin Guuleed ay diideen inay la kulmaan wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Odowaa ee tegay Cadaado.

Maxamed Xasan Geelle oo ka mida xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inaysan la kulmeynin wafdiga labada gole ee dowladda federaalka Cadaado u  dirtay, isagoo ku eedeeyay inay la safan yihiin C/Kariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale Guddiga doorashada ee ay sameeyeen xildhibaanada Galmudug ayaa bilaabay inay qabtaan araajida muharixiinta u tartamay xilka madaxweynaha Galmudug, iyadoo aan weli la sheegin musharax isu soo taagay xilkaasi, balse la sugayo.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa kulamo xarunta madaxtooyada kula leh maamulka Galmudug, xildhibaano iyo waxgarad kale, wuxuuna ujeedkoodu yahay inay xal u helaan xiisadda ka taagan Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON