Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka dhacay Munaasabadii Khudbad jeedinta Musharaxa C/casiis Lafta-gareen..? [Akhriso]

Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhacay qeybtii labaad ee khudbad jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee doorashada muranka ka taagan yahay.

Waxaa musharixiinta khudbadda jeedineysay ka mid ahaa musharaxa ay wataan madaxda  dowladda Soomaaliya ee C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waxaana dhacday arrin cusub kadib markii xildhibaannada iyo marti sharaftii kale laga saaray hoolka oo ciidamada ku amreen inay dibadda uga baxaan goobta.

Ciidamada amniga ayaa dibadda u saaray xildhibaannada iyo dadkii ku jiray Hoolka ay ka dhaceysay khudbad jeedinta waxayna baaritaan ku sameeyaan goobtaasi, iyadoo arkaas kadib mid mid loo baaray dadka gelaya xarunta, taasoo lagu micneeyay sugidda amniga musharaxa, iyadoo markaas kadib uu goobtaasi tegay musharaxa dowladda.

C/casiis Lafta-gareen oo hore u ahaa xildhibaan iyo wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyre ayaa khudbad uu jeediyay kadib lasoo xiray munaasabadii, waxaana si weyn loo hadal hayey magaalada Baydhaba wixii ka dhacay munaasabadii maanta.

Image may contain: one or more people and indoor

Xildhibaananda Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda K/Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyo odayaasha dhaqanka K/Galbeed ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada madaxweynaha K/Galbeed inta laga helayo jawi doorasho ku dhici karto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON