Saturday, June 28, 2025

Maxaa ka jira in Guddoomiyeyaasha cusub Degmooyinka G/Banaadir ay Qurbejoog u badan yihiin..?

Dood kulul ayaa hareysay baraha bulshada, taasoo ku saabsan mas’uuliyiinta cusub loo magacaabay degmooyinka G/Banaadir .

Wararka ayaa sheegay 14-ka Guddoomiye ee xalay loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir ay 8 ka mida yihiin qurbo-joog, heysta baasabooro ajnabi, ayna qaarkoodna saaxiibo la ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo aan weligood noqon xil sare oo heer Federaal ah ayaa hadda dowladda Famaajo  ka dhigtay jagooyin aad loo hadal hayo oo lagu xisaabtamo, waxaana in Soomaalida iska dhex aragto ka sokow ay kasoo kala jeedaan dalalka UK, US iyo Holland.

Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Yaaqshiid, Hodan, Howlwadaag, Wadajir, C/casiis, Waaberi, Shibis iyo Xamar Jajab ayaa gebi ahaantood ah qurbejoog wata Baasabooro ajnabi ah. Waxayna arrintan keentay in 50% ay gudoomiyeyaasha G/banaadir noqdeen qurbe-joog.

Baarlamaanka Federaalka iyo golaha wasiirada ayaa hore u noqday meel ay la wareegeen qurbejoogta, waxaana dad badan  is-weydiinayaan siyaasadda dowladda Farmaajo inay dhiirigelineyso tahriibka.

SourceJowhar

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON