Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka jira in ciidamada Dowladda Go’doomiyeen Xarumaha qaar ka mida Musharixiinta Madaxweynaha?

Waxaa isa soo taraya Wararka sheegaya in ciidamada dowladda oo si weyn u hubeysan la dul dhigay xarumaha mushariixinta Madaxweynaha qaarkood ee magaalada Muqdisho.

Goobaha ay ciidamada dowladda ee gaadiidka dagaal wata degeen waxaa ka mida goobo u dhow xarumaha ay degan yihiin Wadadda labaad ee Zoobe, Ceel Qalaw ilaa Macruuf, agagaarka Somalia Airline, dhinaca degmada Wadajir ee agagarka Garoonka Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dhammaan jid-caddeysaasha xaafada Buulo Xuubey ee dhinaca Garoonka Diyaaradaha la dhigay ciidamo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo dadka loo diiday inay isu socdaan xaafadaha dhexdooda.

Degaanada ay ciidamada dhigtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa degan Musharaxiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xubno kale.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu qaadi doono mas’uuliyadda wixii ka yimaada ciidamada uu dul dhigay musharixiinta. “Ciidamada Farmaajo saakay u diray guryaha Musharaxiinta cawaaqibxumada ka dhalata mas’uuliyadeeda isaga ayaa qaadi doona!” ayuu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON