Waxaa maalmahan si weyn baraha bulshada loogu hadal hayaa in dowladda Turkigu ay siisay Soomaaliya diyaaradaha Drone-ka ee aan duuliyaha lahayn nooca dagaalka Turkigu sameeyo ee TB2.
Waxaa hore loo ogaa in qaar ka mida ciidmada Soomaaliya loogu tababrray dalka Turkiga inay adeegsadaan iyo qaar aanay saanad hub la socon la geeyay Soomaaliya tababar ahaan, laakiin warka ah in Soomaaliya la siiyey diyaaradahan iyo saanadooda ay ku dagaal galaan waxaa faafiyey siyaasiyiin mucaarad ah oo aan caddeyn u keenin.
Ma jirto cid xaqiijisay warkan oo tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, laakiin waxaa dhacday in wararka ay Baraha Soomaalida qoreen ay soo xigtaan qaar ka mida warbaahinta Turkiga oo u soo qaatay in la sheegay warkan.
Soomaaliya weli waxa saaran cunaqabteynta hubka ee Qarmada Midoobay, waxaana dal kasta oo hub geynaya Soomaaliya laga rabaa inuu ka diiwaangeliyo Golaha Amniga, sidoo kale hubka la geynayo ee loo ogol yahay kuma jiraan diyaarado iyo Dabaabado.
Dhinaca kale Diyaaradan Bayraktar TB2 waa diyaarad ltalagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada oo Turkiga sameeyay, waxayna howlgallo guul ah ka fulisay dalal dhowr ah. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg, waxayna ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 KM.
TB2 wuxuu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leedahay awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn, balse waxay saacado gudahood ku laaban kartaa xarunteed si mar kale u qaadato shidaal, loogu rarro gantaallo kale.
Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.
Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh.
Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federalka Cabdi Siciid Juaxa ooka hadlay arrintan ayaa yiri: “..Hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo. Maloo arki karaa in Drones-ku qayb weyn ka yahay cago-juglaynta iyo boobka kuraasta doorashada? Hadday arrintaasi dhab tahay waxaa la oran karaa “waa Aalad hubeed khatar ah oo gashay gacan khaldan oo aan aamin ahayn”.Turkiga waxaa laga rabaa inay arrintan beeniso ama khatarteeda dadban damaanad ka bixiso.Waa nasiib darro in Soomaalidu “Cadowgooda dhabta ah iyo Dawladooda” isku si uga cabsadaan, ugana aamin baxaan”
