Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo baxay warar la isla dhex marayo oo ku saabsan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka tanaasulay xilka ama lacag malaayiin doolar ah.
Wararkaas oo qaarkood soo galay baraha bulshada ayaa waxaa ka mid ahaa inuu Jawaari ogolaaday in la guda galo mooshinkii laga keenay, balse waxaa beeniyay xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha oo arrimahaas been abuurka ah faafintooda ku eedeeyay xukuumadda.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu shir guddoomin doono berrito shirkii golaha shacabka ee caadiga ahaa, ajendihiisuna yahay xaaladda ka soo korortay Beled Xaawo, wuxuuna intaasi ku daray inay been tahay wararka la faafiyey.
“Waxaan raad lahayn propagaandada kooxda afgambiga rabta inay dalka ku qabsato oo sheegaya in Jawaari uu is dhiibay ama lacag $5 milyan ah lagu qanciyey, taasoo been abuur iyo naf lacaaranimo ay ka muuqato…” ayuur yiri Xildhibaan Fiqi
Wuxuu kaloo meesha ka saaray in Boolisku awood u leeyahay faragelinta arrimaha Baarlamaanka, sida uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, wuxuuna yiri: “Maamulka dhismaha golaha shacabka waxaa mas’uuliyaddiisu saaran tahay guddoonka iyo xildhibaanka shacabka, Booliska oo ixtiraam mudan una xilsaaran dhaqangalinta “amarka iyo kala danbeynta” hawlahooda kama mid ahan in ay soo faragaliyaan arrimaha golaha shacabka iyo sharafka xildhibaanada..”