Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka jira in Is-miidaamiyihii Banadir Beach uu ahaa saqraan Khamro cabsan? [Faaqidaad]

Warar si weyn u faafay ayaa lagu sheegay in ninkii is-miidaamiyaha ahaa ee ka badbaaday qaraxii Banadir Beach Restaurant laga dareemay inuu saqraansanaa.

Wararkaas ayaa lagu sheegay in ninkaasi ay ka soo baxeysay urka Khamrada oo dadkii isbitaalka geeyay ay dareemeen iyo saraakiishii nabadsugidda Soomaalida.

Asalka warkan ayaa laga soo xigtay weriye Kenyaan ah oo wax ku qora web aan la aqoon oo Kenya fadhigiisu yahay, waxaana uu soo xigtay weriye u jooga Soomaaliya oo aan la aqoon, waxayna arrintan noqotay mid si weyn loo faafiyay.

Hay’adaha ammaanka ayaan ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah ka bixin shaqsiyadda ninkan, magaciisa iyo xaaladda uu ku sugnaa markii la qabtay.

Weriyeyaal sawir qaadeyaal ah oo fara badan ayaa  loo ogolaaday inay  sawirro ka qaadaan ninkan, waxayna sheegeen inaysan arkin ama aysan dareemin arrimahan.

Waxaa la sugayaa faahfaahinta Hay’adaha ammaanka ka bixiyaan arrintan fakatay oo inkastoo aanay ahayn wax lala yaabo haddana u baahan xaqiiqo ka badan war Kenyaan uu soo alifay.

Akhri Warka laga qoray ninkan

At Somali hospital, alcohol smell overshadows failed bomber’s blood stench

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON