Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka jira in Itoobiya lagu xiray Jeneraal Gabre..? [Maxay ka tiri Madaxtooyada Somalia..?]

Warar kala duwan ayaa laga faafiyey Sarkaalka caanka ka ah gudaha Soomaaliya ee Itoobiyaanka  ah Jeneraal Gabre, basle magaciisu yahay (Colonel Gebregziabher Alemseged), iyadoo baraha bulshada iyo website-yada Itoobiya ay qoreen in la xiray.

Xariga Geh. Gabre oo aanay weli xaqiijin dowladda Itoobiya ayaa sabab looga dhigay inuu ku lug yeeshay musuq iyo hub loo gudbiyey Soomaaliya, iyadoo ay socoto xariga saraakiisha ciidamada Itoobiya ee loo heyso musuqmaasuq iyo gaboodfal xuquuqda Insaanka la xiriira.

Colonel Gebregziabher Alemseged oo Soomaalidu u taqaan Jeneraal Gabre ayaa ka mida haa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii Itoobiyaanka ee qabsaday Koonfurta Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday sarkaal ka tirsan IGAD oo la-taliyaha dhinaca siyaasada  ugu qaabilsan IGAD, isagoo muddo dheer gacan ku hayaa xaaladda Soomaaliya

Waxaa xilka IGAD  laga qaaday bishii June ee 2018, iyadoo markaas kadib eedo kala duwan loo jeediyay, lagana qoray warar fara badan oo aan la xaqiijin, laakiin waxaa warka xariga Gabre soo dhoweysay madaxtooyada Soomaaliya sida uu baraha bulshada ku shaaciyey agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed oo sheegay in xariga Col. Gabre uu yahay mid muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay inay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON