Warar lagu baahiyey baraha bulshada ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka hadlayey in madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu xil u magacaabay sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya C/kariin Muuse Qalbi-dhagax.
Mas’uul ka mid ahaa dad la magacaabay maanta ayaa lagu dhex arkay magaca C/kariin Muuse Qalbi-dhagax, kaasoo la sheegay in loo magacaabay xilka taliyaha ciidamada asluubta dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuusan shaqsigaasi ahayn sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbi-dhagax, balse ay yihiin shaqsi kale oo ay magaca wadagaan.
Dad la xiriiray Qalbi dhagax ayaa xaqiijiyey inuusan ahayn qofka la sheegay in xilka loo magacaabay, waxaana sidoo kale arrintan xaqiijiyey xafiiska madaxweynaha cusub ee DDSI, inkastoo baraha bulshada ay si weyn u qaadaa dhigeen magacaabiddan.