Tuesday, June 24, 2025

Maxaa ka jira in Prof. Cali Maxamed loo magacaabayo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya…?

Saacadihii ugu danbeeyay waxaaa baraha bulshada qabsaday olole ku saabsan xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo loo saadaalinayo Ra’iisal wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geedi.

Arrintan oo ay wadeen taageerayaasha Cali Geedi ayaa waxaa ku biiray dad fara badan, waxayna xaalada u ekeysiiyeen mid xaqiiqo u dhow in xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacaabayo Cali Maxamed Geedi oo ka mida siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo, isla markaana hoggaamiya xisbi siyaasadeed.

Warar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xubno u dhow Prof. Geedi ayaa sheegaya inaysan jirin cid arrintan xaqiiisay, isla markaana madaxweyne Farmaajo aanu marna soo hadalqaadin inuu Ra’iisal wasaare u magacaabayo Cali Maxamed Geedi, laakiin arrintan ay tahay culeys saar soo baxay saacadihii ugu danbeeyay oo ay wadaan musharaxa iyo taageerayaashiisa.

Waxa is diyaarin laga dareemay Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana la arkayey iyadoo la diyaarinayo caleemo-saarkiisa iyo bahda fanka oo isu qabanqaabineysa inay ka qeyb galaan xafladda lagu magacaabayo Cali Maxamed Geedi; laakiin waxaasi oo dhan waxay noqdeen howl hal dhinac ka socota oo aan jirin ama laga ogeyn Madaxtooyada.

Prof. Cali Maxamed Geedi- Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya

Baraha bulshada ayaa noqday meelaha sida weyn loogu xisaabtamo ee saameynta ku leh go’aan qaadashada Madaxweynaha Farmaajo tan iyo intii uu xilka qabtay, waxaana muuqata in ololaha Cali Maxamed Geedi ee xilka Ra’iisal wasaaraha uu gaaray Madaxtooyada, kuna kordhiyey cadaadis hor leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON