Tuesday, July 1, 2025

Maxaa ka jira inay Iiraan si khalad ah u soo riday diyaaradii rakaabka Ukraine Airlines – Boeing 737 -?

Iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan diyaaradii dalka Ukraine laga lahaa maalintii Arbacadii ku dhacday magaalada Tehran, wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Khomeini ay waxaa sii xoogeysanaya wararka sheegaya in diyaaradaasi lagu soo riday Gantaal ay Iiraan si khalad ah ugu toogatay.

Sirdoonka Mareykanka iyo wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa laga soo xigtay in waqtiga ay diyaaradda oo nooceedu ahaa Beoing 737-800 ay ciidamada Iiraan riday laba gantaal, iyadoo laga yaabo in lagu khaldamay diyaaradda, iyadoo xilligaasi ay ahayd saacado ka hor markii ay Iiraan weerar duqeyn gantaallo ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq.

Saraakiisha Mareykanka ayey kasoo xigteen Warbaahinta inay aaminsan yihiin in diyaaradda Ukraine ay Iiraan si khaldan u toogatay, iyadoo warar kale ay sheegeen in haraaga Gantaal laga helay goobta ay ku dhacday diyaaradda oo aanay cidna ka badbaadin dadkii saarnaa oo gaarayey 176 qof.

Iiraan ayaa si weyn u diiday warka ku saabsan in diyaaradda Ukraine International Airlines ee 737-800 gantaal lagu soo riday, waxayna ku tilmaantay dacaayad siyaasadeed; waxaana la dalbanayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxa ku dhacay diyaaraddan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd sheegay inuu shaki weyn ka qabay diyaaradda Ukraine leedahay, ayna dhici karto in khalad dhacay oo diyaaradda la riday, arrin naxdin lehna ay dhacday, balse aysan arrinta ahayn cilad farsamo.

Iiraan ayaa hore u diiday inay dhiibto Sanduuqyada madow ee diyaaradda leedahay, taasoo lagu keydiyo xaaladda diyaaradda. Madaxweynaha Ukraine oo dadka ugu badan ay kasoo jeedaan dalkaasi, diyaaraddana lahaa ayaa ku baaqay baaritaan madax bannaan, waxaana lagu dhawaaqay inay madaxweynayaasha Iran iyo Ukraine isku waafaqeen dhismaha Guddi baaritaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON