Monday, June 23, 2025

Maxaa ka jira inay Xildhibaannada cusub ee Galmudug noqdeen maxaabiis u xareysan Dowladda Soomaaliya?

Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa la sheegay inay maxaabiis oo kale ugu xareysan yihiin dowladda Soomaaliya, iyadoo aan loo ogoleyn inay dhaqdhaqaaq sameeyeen.

Qaar ka mida Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo xildhibaannada taageersan ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inaan la aqbali karin arrintan, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Guddigii hore ee farsamada ku eedeeyay inay xildhibaannada cusub u diideen inay siiyaan Kaararkii Aqoosiga.

Musharixiinta xilka madaxweynaha ee kala ah: C/raxmaan Odowaa, Musharax C/llaahi Axmed Weheliye iyo xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in xildhibaannada cusub ee Galmudug lagu hayo caqabado waaweyn, ayna suuragal ahayn in xildhibaannada sidaas loola dhaqmo.

“Waxaa la shegayaa in xildhibaannadii iyadoo doorashasdii ay ka dhiman tahay waqti yar in loo diidan yahay inay soo baxaan oo dhageystaan aragtida musharixiinta… macquul maaha in maxbuus xildhibaan noqdo.. haddii ay xoreyn u baahan yihiin waa la xoreynayaa..” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macali Fiqi.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaannada Galmudug maanta loo qeybin doono Kaararkooda, iyadoo isla maanta ay dhageysan doonaan musharixiinta u taagan guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON