Monday, June 23, 2025

Maxaa ka jira inuu Dalka soo galay Cudurka Coronavirus? (Wasaaradda Caafimaadka oo War-Cad kasoo saartay)

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaya inay dalka soo galeen dad qaba cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada lagu beeniyey wararka la faafiyey, iyadoo faahfaahin looga bixiyey xaaladda afar qof oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho, kuwaasoo ka yimid dalka Shiinaha, kuna jira karaantaal

AKHRISO WAR-SAXAAFADEED 12 Maarso 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada sida aad uga barateen inay mar walba idin la wadaagto wararka saxda ee la xariira Caabuqa COVID-19, waxay idin la wadaagaysaa war-saxaafadeed-kaan, si aan uga hortagno faafinta wararka been abuurka iyo kutiri-kuteenta ah ee looga danleeyahay walwal galinta bulshada Soomaaliyeed:

1. Wasaaraddu waxay mar kale bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in uusan dalka soo galin xaalad la xariirta Caabuqa COVID-19, ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu bulshada Soomaaliyeed ka badbaadiyo.

2. Waxaa jira, 4 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, soona kala galay 10 & 11 Maarso 2020, kuwaas oo lagu hakiyay gegida diyaaradaha Aadan Cabdulle, kadibna loo gudbiyey goob gaar ah oo lagu haynayo inta ay ka dhamaasanyaan mudadada xilli-huuriska ee loogu tala galay in la haayo dadka soo maray meelo uu ka jiro Caabuqa COVID-19 sida uu qeexayo hab-raaca Wasaaradda Caafimaadka.

3. Iyadoo la raacayo hab-raaca Wasaaradda Caafimaadka, muwaadidiinta waxaa laga qaaday muunado (Samples) si baaritaan loogu diro looguna soo sameeyo dalka dibaddiisa. Ma jiraan ilaa iyo hadda wax calaamada ah oo muujinaya inay qabaan Caabuqa COVID-19, mana jiro walwal badan oo la xariira arinkaas ilaa iyo hadda.

4. Wasaaraddu waxay beeninaysaa wararka la wareejinayo Baraha Bulshada (Social Media) ee la xariira in xaalada Caabuqa COVID-19 uu wadanka soo galay.

5. Wasaaraddu waxay u digaysaa dadka caadaystay inay faafiyaan wararka kutiri-kuteenta ah, ogaysiinaysaana in lagala xisaabtami doono.

6. Wasaaraddu waxay warbaahinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ku boorrinaysaa in ay mar kasta ka qaataan wararka ilaha rasmiga ah, kana feejignaadaan wararka been abuurka ah.

7. Ugu danbayn, Wasaaraddu waxay kula talinaysaa dhamaan dadka kasoo safraya waddamada uu ka jiro Caabuqa COVID-19 inay hakiyaan safaradooda ay ku imanayaan Soomaaliya.

Dhammaad ###

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON