Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira inuu Prof. Jawaari u sharxan yahay xilka Madaxweynaha Somalia Doorashada 2020/2021..?

Kadib markii baraha bulshada lagu baahiyey sawirro ku saabsan musharaxnimada guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayuu jawaab kasoo saartay arrintaasi, isagoo caddeeyay mowqifkiisa iyo cidda ka danbeysa arrintan.

Qoraal uu soo diray Prof: Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayuu ku sheegay in la ogaaday cidda ka danbeysay in la faafiyo musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha, ayna ka dlbadeen in baraha bulshada laga saaro qoraallada iyo muuqaallada musharaxnimada, waxayna farriinta Prof. Jawaari u qorneyd sia soo socota:

“Waxaa maalmahan baraha bulshada aad loogu faafiyey sawirkeyga oo loo qaabeeyey Olole Muarrashax Madaxweyne JFS. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo xildhibaanada Labada Aqal ee BFS gaar ahaan, ku wargelinaya in arrintan ay rasmi ahayn kana soo bixin xafiiskeyga Baaris kadib, waxaa soo ifbaxay in ay ka dambeeyeen dhallinyaro qurbojoog ku ah Midowga Boqrotooyada Britain (UK). Wareysi aan la yeelanay ka bacdi waxay noo xaqiijiyeen in ay si niyadsami kusoo bandhigeen rabitaankooda. Waxaan ka codsanay in ay bartooda bulshadeed ka saaraan. Qof kasta oo arrinkan horey usoo gaaray waxaan ka codsanaya inay iska tiraan oo aanay dad kale dib ugu sii dirin. Naga guddooma qaddarin gaar ah. Mahadsanidiin”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON